Biyo la’aan baahsan ayaa ka jirta deegaanada Busaar iyo Fafax dhuun oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Dadka xoola dhaqatada ee ku nool tuulooyinka Busaar iyo Faxfaxdguun ayaa ka cabanaya biyo la’aan ka jirta deegaamada ay ku nool yihiin sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Maxamed Yaacquub oo ka mida dadka deegaanka.
Maxamed Yacquub ayaa sheegay in deegaanka xili roobadkii dayrta uu ku yaraa oo wax biyo ah aysan galin warihii dadka deegaanka iyo xoolaha ay ku tiirsanaayeen.
Waxuu sidoo kale sheegay in dad badan oo reer guuraya ay u hayaameen dhinaca gobolka Jubbada Hoose, si xoolaha biyo ugu helleen.













