Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta dhexe ee dhalinyarada Gobolka Banaadir kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha ururrada dhallinyarada degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yabooh ayaa madaxda ururrada dhalinyarada gobolka Banaadir ka dhageystay warbixinon la xariira shaqooyinka ee ka haayaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir oo ay ugu horeeyaan Amniga, bilicda, dariseynta, ka qeybgalka siyaasadda, doorashooyinka iyo horumarada ka socda csasimadda.
Sidoo kale gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa tabbabar u furay 150 ka mid ah ururweynaha dhallinyarada ee degmooyinka, kaasi oo ay ku baran doonaan Habka oogista dacwadaha madaniga ah, culuunta saxaafadda, barashada culuunta bulshada iyo adeegsiga xirfadda kambiyuutarka.














