Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay Askar ka tiraanaa ciidanka Dowladda

0
364

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay afar ka mid ah askarta dowladda, kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho.

Askarta xukunka lagu fuliyay ayaa kala ahaa: Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsana, Cali Maxamuud Xuseen oo militariga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar iyo Maxamed Nuur Sheekh Warre oo iyagana ka tirsanaa ciidanka booliiska.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in dhammaan raggan maanta la toogtay ay horay u dileen saaxiibadooda ay shaqo wadaag ahaayeen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dil toogasho lagu fuliyo askar ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasoo dilal u geystay saaxiibbadood iyo dad kale oo shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here