Dowladda Itoobiya oo ku fashilantay agaasinka Shirka Midowga Afrika iyo Wufuud ku dhex dagaalamay Madasha Shirka AU-da

0
416

Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika ayaa gacanta la iskula tagay kaddib markii dowladda Itoobiya ay ku guul-dareysatay agaasinkaiyo marti-gelinta shirka iyo madaxdii ka qaybgalaysay.

Muuqaal laga duubay xarunta uu ka socday shirka Midowga Afrika ayaa lagu arkay buuq iyo gacan ka hadal dhex-maray wafuudda qaarkood, taasi oo muujinaysa habacsanaanta iyo fashilka ay wajahayso xukuumadda Itoobiya.

Warbaahinta Amaharic News Agency ayaa sheegtay in intii uu socday shirka Midowga Afrika ay rabshada ka dhaceen, waxaana AndargachewTse oo ah falanqeeye uu ku sifeeyey sanadkan in uu Itoobiya uu ahaa mid xun, gaar ahaan maamuuska shirkii Midowga Afrika ee sanadkan 2024-ka.

“Waxaa lagu xasuusan doonaa sanadkan 2024 in uu yahay sanadka nasiib-xumada iyo sumcad-dilka taaariikhda Itoobiya iyo xiriirka ay la leedahay caalamka,” ayuu yiri AndargachewTse.

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri: “Dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed ay la timid dhaqamo aan wanaagsanayn oo aan looga horreyn, kaddib markuu heshiis is-afgarad ah la saxiixday gobol ka mid ah Soomaaliya sannadkan cusub bilowgiisii.”

Sidoo kale, AndargachewTse ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baxsaday dabin lala damacsanaaa, isaga oo fariintii uu siday ka jeediyay shirka Midowga Afrika, waxa uuse tilmaamay in fursadda uu ku jeediyay khudbadiisa marka laga yimaado uu kala kulmay caqabado gaarista madasha uu ka socday shirka.

Meertada 37-aad ee ururka Midowga Afrika ayaa sanadkan waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu xal u raadinayay waxaa ka mid ahaa; xalinta colaada ka jirta qaar ka mid ah dalalka Afrika, sida; Somalia, Itoobiya, Suudaan, Congo iyo kuwa kale.

Ugu dambeyn, Dejazmach oo isagana ka soo jeeda Itoobiya ah ahna falan-qeeye siyaasadeed ayaa sheegay in wufuudda gacanta iskula tagay ay ahayeen; wafdi ka socday Congo iyo Madaxweynah Rwanda Paul Kigame oo ay ku eedeynayaan in uu hurinayo colaadda dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here