Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad loo haysto saraakiil ka kala tirsan wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhaxe oo loo heysto Musuqmaasuq.
Sarakiishan oo ka hawlgalayay xarumaha wasaaradda maaliyada iyo Bankiga dhexe ay ku leeyhiin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo eedeeyay falal la xariira xatooyo xoollo dadweyne.
Edeysanayaasha ayaa kala ah: Abuukar Maxamed Cali maamulihii xafiiska canshuuraha barriga ee Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde, Cabbduqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) qasni ka tirsan bangiga dhexe qaybta dakhliga ajaanibta ee Garoonka Aadan Cadde, Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde, kuwaasoo dhammaan xeer-ilaalintu ku soo eedeysay xatooyo xoolo dadweyne.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in marnaba uusan aqbali doonin in la musuqmaasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.













