Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa kulan la qaatay Seracettin Aksun oo ah madaxa shirkada dhisamaha waddooyinka ee EN-EZ, isagoo kala hadlay in ay si degdeg ah dib u dhis ugu sameeyeen waddada Fagax.
Kulankan uu guddoomiye Xasan Jimcaale la qaatay maamulaha shirkada EN-EZ ayaa daba socda cabasho ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmada Yaaqshiid, kuwaasoo sheegay in si qaldan loo dhisay dhismaha waddada Fagax.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal weyn ugu jira sidii bilicda caasimadda kor loogu qaadi lahaa, waxaana socda mashaariic lagu hirumarinayo Xamar.