Agaasimaha xiriirka dibadda ee Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Maxamed Xasan ayaa magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland kulan kula qaatay agaasimaha xiriirka dibadda ee Dowladda Hoose ee Helisinki, Laura Uuttu-Deschryvere isagoo kala hadlay horumarinta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay arrimo ay mid yihiin: tababarka shaqaalaha Dowladda Hoose, kaabayaasha dhaqaalaha – gaar ahaan bulaacadaha, maareynta qashinka iyo suurogalnimada mataaneynta Muqdisho iyo Helisinki.













