Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dib u dhiska waddada dheer ee xiriirisa Xoosh illaa Ex- koontarool Afgooye, taasoo dhex marta degmooyinka Dharkeenley, Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, guddoomiyeyaasha degmooyinka Dharkeynley, Kaxda, Garasbaaley iyo madax ka socotay shirkada Buruuj iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo gacan ka geysana dhismaha waddadan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhismaha waddadan ee qayb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xirka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelaha Hoose, fududeynta ganacsiga isaga goosha labada gobol iyo in culeyska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.














