Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya: SAWIRRO

0
365

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann.

Kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Maamulka Gobolka Banaadir, shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii Midowga Yurub uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu taageeri lahaa howlaha hortebinta u leh ee lagu hormarinaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaal waxaa kulanka ku wehliyay agaasimaha arrimaha dibadda iyoxXiriirka hay’adaha ee gobolka Banaadir Maxamed Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here