Xuska Maalinta Caalamiga ah ee la xisaabtan la’aanta tacadiyada loo geysto Suxufiyiinta oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
249

Maanta waxaa caalamka laga xusay “maalinta caalamiga ah ee looga soo horjeedo ciqaab la’aanta xadgudubyada saxafiyiinta loo geysto iyo kobcinta awoodda baariseed, si loo xaqiijoyo isla xisaabtan dhab ah”

Munaasabad arintaas ku saabsan waxaa lagu qabtay Airport Hotel ee magaalada Muqdisho. Waxaa soo agaasimey ururka NUSOJ.

Waxaa munaasabadda ka qayb-galay Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Richerd Rilley, safiirka ingiriiska Amb. Mike, safiirka Swedan, Joachim Waern, agaasimayal ka socda warbaahinta Soomaalida iyo weriyeyaal ka kala socda warbaahinada magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Mr. Faaruuq oo hadalka billaabay ayaa sheegay in 15-kii sano ee la soo dhaafay la dicey 62 weriye, wuxuuna intaa ku daray in dadkii dilkooda ka danbeeyey aaney badankood cadaalad helin, waxa uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in cadaaladda la hor keeno dhagar-qabayaashii ka dambeeyey dilka weriyaasha.

Safiirrada dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Swedan ayaa sheegay in taageerayaan saxafiyiinta Soomalaiyeed, iyaga oo codsaday in la dhameeyo la xisaabtan la’aanta kuwa geysta dilka iyo tacadiyada ka dhanka ah weriyaasha.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya u taagan tagay ilaalinta weriyeyaasha, waxa uuna intaa ku daray in la joogo xilligii lala xisaabtami lahaa argagixisada dhibaatada u geysta weriyeyaasha.

Ugu dambeyn, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa hadalkiisa wuxuu ka codsaday weriyeyaasha in ay mideeyaan cuddudooda ayna ka qayb-qaataan horumarka iyo waxbaridda shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here