SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Britain

0
278

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Britain oo uu hoggaaminayay xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda iyo horumarinta, Sir Philip Barton.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ee faca-weyn ee ay wadaagaan UK iyo Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ugudambeyn, Wafdiga Philip Barton ayaa dhankooda uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyay sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here