Hay’adda UNHCR oo sheegtay in qaxootin badan ay martigelisay Soomaaliya

0
560

War ka soo baxay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii la soo dhaafay martigaliyay qaxootiga faraha badan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay Soomaaliya ay soo soo gaareen in ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah oo ka kala yimid wadamada Ethiopia, Syria Iyo Yemen sanadii hore ee 2020.

Qaxootigaan oo nabad galyo doon ahaa ayaa si wanaagsan logu soo dhaweeyay gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir oo haatan ay ku sugan yihiin qaxootiga ugu badan sida ay sheegtay heyada UNHCR.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in ku dhawaad sagaashan kun oo qaxooti ah ay dib ugu so laabteen Soomaaliya, kuwaas oo horay wadamo kale qaxooti ku ahaa, taasina waxeey muujineysaa sida uu u wanaagsan yahay amaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here