Maamulka Degmada yaaqshiid ayaa tababar hal maalin ahaa u qabtay qaar kamid ah Dhalinyarada ku dhaqan Degmadaas.
Tababarka oo ahaa mid kor loogu qaadayay Hal abuurka iyo dhiiri gelinta shaqsiyada dhalinyarada degmada yaaqshiid ayaa waxaa ka faa’iidaystay dhalin yaro fara badan oo ka kooban rag iyo dumar.
Qaar kamid ah Dhalinyarada tababarka ka faa’iidaysanaysay oo ka hadlay dareenkooda ayaa uga mahadceliyay maamulka Degmada yaaqshiid fursada uu u siiyay in ay helaan tababar nuucan oo kalaa.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid MD Ahmed Cariif ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay ka qayb qaadashada hal abuurka iyo dhiiri gelinta shaqsiyada dhalinyarada ,isaga oo kula dardaarmay dadkii loo qabanayey Tababarka in ay ka Faa’iidaystaan si ay iyagana ugu sii faa’iidayaan qeeybaha kale ee bulshada Degmada ku nool.
Gabagabada tababarka ayaa Maamulka Degmada yaaqshiid Dhalinyaradii ka faaiidaysatay tababarka waxa uu gudoonsiiyay shahaado sharaf la xariirta waxa ay barteen.
Maamulka Degmada yaaqshiid ayaa waxaa ka go-an sare u qaadida garaadka Dhalinyarada Degmadaas.













