AMISOM oo sheegtay in ay weerar ku dishay 189 ruux oo Al-shabaab ah

0
789

Afhayeenka ciidamada Uganda Col Deo Akiiki ayaa ka warbixiyay duqeymo ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ku qaadeen tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Col. Deo Akiiki ayaa sheegay inay weerar ku dileen 189 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, ayana ku burburiyeen hub, gaadiidka dagaalka iyo mootooyin ay isticmaalayeen Al-shabaab.

Afhyeenka ayaa tilmaamay in weerar ay ku qaadeen  tuulooyinka Sigaale, Adimo iyo Kayitoy oo ku dhow degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose .

Waxuu sheegay in weerarka ay u deegsadeen diyaaradaha dagaalka ee Helikobters-ka, iyadoo ay ciidanka Uganda ay bilaabeen iney duqomo dhanka cirka ah ka filiyeen saldhigyada iyo deegaanada ay gacanta ku heyso Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here