Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay garab-istaagga geesiyaasha dhiiggooda u huray xoreynta dalka, isagoo sheegay in la sameeyay akoonno lagu soo diri karo lacagaha taakuleynta ah, isla markaana bulshada lala socodsiin doono lacagaha ay soo diraan sidii loogu tala-galayna loo mareyn doono sida uu Duqa Caasimaddu sheegay.
“Ciidanka Soomaaliyeed ee xabadda isku dhigaya in aan u kaalmeyn weyno oo garab istaag u muujin weyno annaga ayay nasiib darro nagu noqoneysaa, balse waxaan aaminsanahay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta yihiin kuwo dhiirran oo u soo jeeda garab-istaaga geesiyaasha Qaranka,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale
Sidoo kale, kulan waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu qayb ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, kuwaa oo dhammaan tilmaamay sida ay muhiimka u tahay garb istaaga ciidanka Qaranka ee dagaalka adag kula jira khawaarijta.
Ugu dambeyn, Taliyaha ciidanka XDS Jen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa ugu baaqay muwaadniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidamada Qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiiggooda u huraya nabadda iyo Qarannimada ummadda Soomaaliyeed.













