Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xarunta degmada Shibis kula kulmay maamulada degmooyinka Shibis, Shangaani iyo Boondheere si uu warbixin ugu dhageysto dhammaan qaybaha kala gedisan ee hogaanada degmooyinka.
Ujeeddada kulankan ayaa waxa uu ahaa mid billow u ah qorshaha daadijinta shaqooyinka degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, taasoo la xariirta dhinacyada amniga, nadaafada, bilicda, dariseynta, wada-shaqeynta maamulka degmada, bulshada iyo laamaha ammaanka, si xaaladaha guud ee magaalada Muqdisho wax loogu beddelo, loolana xisaabtamo mas’uuliyadda shaqooyinka u xil-saaran.
Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ujeediyay maamulada saddexda degmo ayaa sheegay in loo baahan yahay helitaanka tirakoob sax ah ee xaafadaha Muqdisho, si loogu hortago xaaladaha amni-darro ee magaalada ka dhaca, loogana hortago maandooriyaha iyo Khawaarijta ku dhex dhuumata xaafadaha Caasimadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Yabooh ayaa dhankiisa ku boorriyay maamullada degmooyinkan inay adkeeyaan Amniga xaafadaha degmooyinkooda.
















