Tababar Muqdisho loogu soo xiray qaar ka mid waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir: MUUQAAL

0
302

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Jimcaale ayaa soo xiray tababar ku saabsan habraacyada dhismaha caasimadda sida waddooyinka.

Kukankan oo lasoo xiray ayaa xubnihii ka qayb-galay waxaa lagu baray maalmihii uu socday casharro la xiriira dhismaha caasimadda iyo hagaajinta bilicdeeda.

“Tababbarkan wuxuu ahaa mid aan ugu talo-galnay kordhinta xirfadda iyo aqoonta waaxyaha ay quseysay inay ka faa’iideystaan sida; qorsheynta caasimadda, farsamada, dhismaha waddooyinka, bullaacadaha iyo qaybta sheybaarka,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir oo xiritaankii tababarkan ka hadlay.

Guddoomiye Jimcaale waxa uu sheegay in qorshahoodu uu yahay sidii loo nidaamin lahaa dhsimayaasha caasimadda ka socda oo qof walba uu si iskiis ah u dhisanayay wixii ka dambeeyay burburka, balse wixii maanta ka dambeeya hab-raacooda la nidaamin doono.

Ugu dambeyn, xubnihii tababbarka ka qaybgalay ayaa loo qaybiyay shahaadooyin ka markhaati kacaya culuuntii ay barteen, iyadoo lagu boorriyay in wixii ay barteen ay dabaqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here