Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

0
324

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga uga mahadceliyey soo dhaweynta ballaaran ee uu u sameeyey intii uu ku sugnaa dalkaas.

Dhankeeda, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo howlgallada millateri ee ka dhanka ah argagixisada si loo gaaro xasillooni, nabad iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here