MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: Baaqii Duqa Muqdisho ee hal doollar dalkaaga ku dhiso waxaan u beddelay hal doollar dalkaaga ku difaac

0
347

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qaybgalay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in hawlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarjita uu marayo meel wanaagsan, dowladduna ay sii wadi doonto dagaalka inta dalka oo dhan laga saarayo dadkaas diinta ka been sheegaya.

“Diwladda iyada ayaa mas’uul ka ah dalka iyo diinta, waxa ayna argagaxisadu markeedii hore kusoo gabadeen diinta, balse hadda waa la fahmay, meel walbana kacdoonku waa ka socdaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in oraahdii uu keenay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ee ahayd ‘Dalkaaga 1 doollar ku dhiso, hadda loo beddelay dalkaaga 1 doollar ku difaac’ isagoo dadkii kulanka kasoo qaybgalay kulanka ka dalbaday in haddii min hal doollar ay isku daraan ay noqonayso lacag badan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u taraysa.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan wax macluul ah, balse ay jiraan khataro sababi kara in xaaladsha abaareed ee jira ay macluul isku beddesho.

“Markaan xafiiska tagay, waxaa magacaabay ergayga gaarka ah ee gargaarka oo runtii shaqo aad u wnaagsan qabtay, dalkeennana hadda kama jirto wax macluul la yiraahdo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa muddo toddobaad ku dhaw ku sugan dalka Talyaaniga halkaasoo ay hawlo shaqo u joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here