Taliyaha Booliiska Somalia: Waxaan xallinay tabashadii shacabku ka qabeen xarunta CID-da: MUUQAAL

0
391

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in la xalliyay cabashooyin ay shacabka Soomaaliyeed kasoo gusbiyeen waaxda CID-da marka ay adeegyada u doontaa.

Jeneraal Firin ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee adeegyada u doonta xarunta CID ayaan wixii maanta ka dambeeya aysan la kulmi doonin in laaluush laga qaamarka loo adeegayo.

“Maanta waxaan xallinay caqabadihii ay dadku la kulmi jireen marka ay adeegga u doontaan” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya oo sheegay in shaqaalaha xarunta ku sugan ay si hufan ugu adeegi doonaan ahacabka.

Taliyaha oo sii hadlay ayaa yiri: “Shacabka berri wixii ka dambeeya waxaa loogu adeegi doonaa sida aharciga waafaqsan, mana jiri doonto lacag tuur si warqadaha laguugu fududeeyo. Waxaana dadka u adeeg doonta laga doonayaa inaysan ogolaan inay dhaqaale dheeri ah bixiyaan”

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa imaanaysaa xilli shacabka warqadaha dambi la’aanta ah u doonta xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da ay ka cabanayeen lacago laga qaado marka ay adeegyada u doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here