Duqa Caasimadda oo ka warbixiyay Safar uu ku tagay Turkiga kana hadlay Roobabkii la da’ay Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
382

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay guddoonka sare ee maamulka gobolka Banadir, ayaa waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo dhawaan uu ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshah duqa magaalada Ankara, kaas oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneynta Ankara iyo Muqdisho.

Shirka ayaa loogu hadlay xal u helidda musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u gar-gaarida shacabka ay waxyeelladu gaartay iyo soo celinta bilicda caasimadda, iyada oo loo mahadceliyay guddiga heer gobol ee la-fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samata-bixinta bulshada.

Guddoonka Caasimadda ayaa qaybaha kala geddisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha ummadda ka najeeyee saadaasha laga bixinayo El-Nino ee ah in weli qaybo ka mid ah gobollada dalka ee kusoo fool leeyihiin roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan.

Ugu dambeyn, Waxaa loogu digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan in ay ka feejignaadaan khataraha la saadaaliyay ee dhalan kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here