Sawirro: Duqa Muqdisho oo booqday Garoonka Kooxda Kubadda Cagta Minishiibiyo ee Degmada Warta Nabadda: VIDEO

0
308

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta kooxda kubada cagta Minishiibiyo (MCC) ee degmada Warta Nabadda, halkaas oo uu kula kulmay maamulka iyo ciyaartoyda kooxda, waxa uuna ka dhageystay xaaladda guud ee kooxda MCC iyo baahiyaha taagan ee u baahan in la xaliyo.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Marwo Seynab Maxamuud Warsame (Xaabseey) iyo Guddoomiyaha kooxda kubada Cagta Minishiibiyo Macalin Abuukar ayaa duqa Muqdisho u sheegay in dhismooyin sharci-ddaro ah laga dhistay qayba ka mid ah dhulkii kooxda Minishiibiyo, kooxduna aysan ka maarmin dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here