Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, mudane Mire Dhuxuloow ayaa maanta qado sharaf u sameeyay saraakiisha amniga qaybta Bari ee gobolka Banaadir.
Waxaa kasoo qayb-galay taliyeyaasha hay’adaha amniga ee qaybta Bari iyo maamulka degmada Heliwaa, waxaa looga hadlay xaaladihii amni ee ugu dambeeyay, iyada oo la isla meel-dhigay in lasii dardar-geliyo sugidda Amniga oo ah muhiimadda koowaad.
Ugu dambeyn, Saraakiishan Amni oo isugu jiray; booliis, nabadsugid iyo boolisiyo milataare ayaa waxay ka socdeen degmooyinka Bariga Xamar oo kala ah; Kaaraan, Heliwaa, Gubadleey, Yaaqshiid Shibis iyo Daarusalaam.