Ra’iisul Wasaare Xamse oo qodobbo muhiim ah kala hadlay Danjiraha Sweden u jooga Soomaaliya

0
351

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacadii shalau qaabilay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Per Lindgärde.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo danjire Lindgärde ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan nabadda iyo xasilloonida, waxa uuna ra’iisul wasaaruhu bogaadiyay garab-istaagga xukuumadda Sweden ay u muujinayso dalkeenna. Dhankiisa, danjire Per Lindgärde oo ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna soo bandhigay in dalkiisa ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here