Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay beerta ummadda ee gobolka Banaadir, oo qayb ka ah qorshaha horumarinta caasimadda Muqdisho.
Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Amiir ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasoo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qaybaha kala gaddisan ee bulshada fursad u siinaysa inay isugu yimaadaan.
Mashruucan ayaa laga hirgelinaya degmada Waaberi, gaar ahaan meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Aden Adde ee magaalada Muqdisho, iyada oo munaasabadda dhagax-dhigga uu goob-joog ka ahaa guddoomiyaha degmada Waaberi, mudane Maxamed Sayid Cali, agaasimeyaal iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada.































