Ciidanka DF Soomaaliya oo Hawlgallo Qorsheysan ku dilay Boqollaal Al-Shabaab ah: MUUQAAL

0
321

Dowladaa Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maanta sheegay in dagaallo ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-cadaala) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalkan ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka, kuwa dib u xoreynta deegaannada, NISA iyo saaxiibbada caalamiga ah.

“Saacadihii u dambeeyay howlgallo ka dhan ah Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ka dhacay dowlad-gobolleedayada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana tirada ugu badan ee kooxdan lagu beegsaday deegaanka Iji oo 23-km u jiraa magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo looga dilay tiro aad u badan” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri wasiir Al-cadaala.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in hawlgalkan lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaaarijta , kuwaas oo u qaabilsana ururinta lacagah baada ah, dhaca xoolaha deegaanka iyo dilalka qorsheysan.

“Horjoogayaasha lagu dilay howlgalkan waxaa ay kala yihiin: Salaad Maxamuud Siyaad oo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe dadka deegaankuna ay si weyn u yaqaaneen. Yusuf Cali Sheekh oo u qaabilsana magaalada Fiidow iyo Sandheer oo ahaa taliyaha aaggaas” ayuu yiri wasiir Cadaala, oo intaas ku daray inuu jiri horjooge afarad oo Xuseen Dheere la yiraah, kaasoo ku xigeen u ahaa Salad Maxamuud Siyaad.

Wasiirku wuxuu sheegay in hawlgalkan lagu soo qabtay maleeshiyaad qaba dhaawacayo culus, kuwaasoo lala tacalayo xaaladooda caafimaad, waxaa sidoo kale ciidanku ku furteen hawlgalka 300 oo qori kuwaas oo isugu jira hubka culus iyo kuwa fudud, iyadoo ay ciidanku la wareegeen daawooyin, cuntooyin iyo agaabkii kale ee ay isticmaalayeen Khawaarijta.

Dhanka kale, Hawlgal ka dhacay Tuulo Afcad lagu magacaabo oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay tiro khawaarij ah, iyadoo wali uu socdo hawlgalka.

Ugu dambeyn Intii ay hawlgalladu socdeen waxaa ciidanka Qaranka uga shihiiday 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen 7 askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here