Guddoomiye Muungaab oo Deeq Daawo ah ku wareejiyay ciidamada difaaca deegaanka ee Garabka u ah Ciidamada Qaranka: SAWIRRO

0
133

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay ciidamada difaaca deegaanka ee ka barbar dagaallama ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Hiiraan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageerida iyo garab-istaagga ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno taageero weliba oo ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn, munaasabadda uu Duqa Muqdisho ku wareejinaayay deeqdan waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, agaasimeyaal iyo ururka haweenka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here