Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan gaar ah la yeeshay laba Ra’iisul Wasaare oo dalka soo maray

0
624

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo ka mid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray kuwaasoo kala ah Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Mudane Xamsa ayaa labadan mas’uul ka siiyay warbixin qoto-dheer shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.

Ugu dambeyn, Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here