Duqa Muqdisho oo xalay kormeeray ku tagay qaar ka mid Degmooyinka Caasimadda: SAWIRRO

0
336

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay kormeer uu ugu kuur-galayo hawlgallada lagu sugayo amniga Caasimadda ku tagay; Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla dhanka bari ee Caasimadda.

Kormerrkan ayay mas’uuliyiintu ku indho-indheeyeen sida ay u socdaan hawlgallada lagu baarayo gaadiidka xilliga habeenkii ah, waxa ayna la kulmeen ciidamada loo xil-saaray xasilinta Caasimadda, iyaga oo ka wareystay saraakiisha ciidamadan sida ay u socdaan hawlgallada lagu adkeynayo amniga.

Duqa Muqdisho iyo xubnaha la socda ayaa waxa ay kormeerkooda ka billaabeen deegaanka Xaawo-casir ee degmada Kaaraan, iyagoo tagay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka noocyadooda kala duwan, waxa ayna halkaas kula kulmeen ciidamada xasilinta loo xil-saaray inay sugaan amniha iyo saraakiishooda, iyaga oo ka xog-wareystay xaaladda amni ee degmada Kaaraan oo mar ahayd goob ay dhibaato weyn ku hayeen kooxaha ciyaal-weerada loo aqoon jiray, balse hadda la ciribtiray.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale iyo xubnaha la socda ayaa booqday Waxara-cadde oo ka tirsan degmada Heliwaa, iyagoo u kuurgalay galay hawlaha amni-sugidda ah ee ka socotay. Waxayna kusoo gunaanadeen kormeerkooda degmada Yaawshiid, hakkaasoo ay kula kulmeen ciidammo ku jira hawlgallo ay amniga ku sugayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here