Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isugu jira dhiirri-gelin, deeq ururin, kafaala-qaad iyo tabarucaad u sameeyay carruurta iyo maamulka xarunta dhaqan-celinta ee Maama Ugaaso oo ku hawlan furista xarun cusub oo lagu xanaaneenayo gabdhaha.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay maamulka xarunta Maama Ugaaso doorka ay ka qaateen in la xannaaneeyo carruur intooda badan la dhibanaa isticmaalka maandooriyaha, kuwaas oo hadda lagu barbaarinayo barashada cilmiyada diiniga iyo maadiga, si ay ula mid noqdaan carruurta asaagooda ah, Isaga oo dhinaca kale soo dhaweeyay in la furo xarun u gaar ah xannaaneynta gabdhaha agoonta ah ee Maama Ugaaso.
Guddoomiye Madaale ayaa ugu baaqay ganacsatada, culumada iyo inta Eebbe wax siiyay inay gacan ka geystaan xanaaneynta iyo bad-baadinta ubadka Soomaaliyeed ee darbi-jiifka ah iyo kuwa agoonta ah ee isugu jira gabdho iyo wiilal, si loo samata-bixiyo jiilka soo koraaya. Waxaana isla madashada lagu ballan-qaaday deeqo lagu Kafaala-qaadayo carruurtaas.
Munaasabadda, waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Wasiir-u-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS, xildhibaan C/kariin Cabdow Xaydar, xildhibaan Yuusuf Kabaale, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maxamuud Gabeyre, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, agaasimayaal, madaxda guddiyada bangiyada, suuqyada Muqdisho iyo marti-sharaf kale.

















































