Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in Sanadkan hoos loo dhigay Qiimaha Xajka: SAWIRRO + VIDEO

0
369

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyay lacag ka badan 8-malyuun oo doollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Mudane Xamse Barre ayaa sheegay in dadaal badan oo meelo badan laga eegay, dhibaatana lagala kulmay ugu dambeyn lagu guuleystay in heerkan lasoo gaaro, waxa uuna ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u mahadcelinayo mas’uuliyiinta wasaaeadda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta XFS, guddigii kala shaqeeyay arrinta iyo cid walba oo gacan ka geysatay in guushan la gaaro, xujeyda Soomaaliyeedna culeys weyn laga dul qaado,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xaajiga Soomaaliyeed ayaa sanadkan ku xajinaya lacag dhan; 4,484-doollar, halkii sannadkii hore ay xujeydii Soomaaliyeed ku xajiyeen lacag gaaraysa 5,230-doollar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay shirkadihii ku guuleystay u adeegidda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan xajinaya, isagoo kuwii aan kusoo bixin tartanka uga mahaceliyay sida ay ugu qanceen natiijada xulista shirkadaha.

“Waxaa ka mid ahaa shuruudihii tartanka in shirkaddu ay Xujeyda ku geyn karaan goobtii loogu talo-galay muddo kooban, inay soo celin karaan markii ay waajibka soo gutaan iyo sicirka ugu yar oo ahaa i tus oo i taabsii,” ayuu yiri RW Xamse.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sheegay hadalkaan kulan uu la qaatay guddigii ka shaqeeyay kala saarista shirkadaha iyo ganacsato wakiillo ka ahaa shirkadihii tartanka ku guuleystay, waxa uuna RW-ruhu xusay inay ku dadaaleen inay xaqiijiyaan in ay xujeyda sanadkan ku xajiyaan sicir aad u jaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here