Wasiirka gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimid Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyeey Wasiir ku-xigeenka difaaca Soomaaliya, mudane Cabdifataax Qaasim.
Wafdiga wasiirka ayaa soo dhaweynta kaddib waxa uu lankulmay wasiirka gaashaandhigga XFS, Mudane C/qaadir Maxamed Nuur, madaxda kale oo ka tirsan wasaarada iyo taliye ku-xigeenka ciidanka XDS, Jen. Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.
Wasiirka gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is-afgarad (MoU) oo dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha August 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.
Ugu dambeyn, Saxiixa heshiiskan ayaa daba socda heshiisyo noocan oo kale ah oo ay la saxiixatay dowladda Soomaaliya dalalka Turkiga iyo Mareykanka, kuwaasoo qayb ka ah qorshayaasha lagu xoojinayo dagaallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab.















