MADAXWEYNE XASAN: Heshiiska aan la galnay Walaalaha Turkiga waxaa lagu dhisayaa ciidanka badda Somalia: VIDEO

0
279

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa ka warbixiyay xaaladaha dalka, waxa uu soo hadal-qaaday heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

“Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano, waxaana la dhisayaa ciidanka badda Somalia, mana jiri doonto dowlad kale oo heshiiskan lagu colaadinayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba garab-taagnayd shacabka Soonaaliyeed, haddana ay sii xoojisay garab-istaagaas. Waxa uu xusay in Turkiga uu yahay dowlad gargaarka ay ugu talagashay shacabka Soomaaliya u dhiibi jirtay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in heshiiskan uu muddo dheer soo socday, balse maanta ay ansixintiisa kusoo aadday, isaga oo xusay in heshiiska ay dhalan doonaan shuruuc, waxa uuna dhammaan doonaa iyada oo Soomaaliya ay leedahay ciidamo baddeeda difaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here