Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay kormeer uu ku tagay Warta Biya-qabadka ee KM-4 oo la filayo in dhawaan dib u habeyn lagu sameynayo.
Mudane Xasan Jimcaale ayaa sheegay in warta ay dhibaato weyn ku hayso shaqooyinka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Booqashada waxaa goobjoog ka ahaa wasiir u dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), madaxa bullaacadsha gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Xasan Casir iyo xubno kale.
“Wasiir, wartan waxa ay horay u gelisay khatar habsami u socodka shaqooyinka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Sidaas awgeed, waxa aan doonaynaa in dib u dhis lagu sameeyo, aadna kaalintiinna ka qaadayaan” ayuu yiri Mudane Xasan Jimcaale.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday wasiirka inuu kulan isugu yeero gabi ahaan shirkadaha duullimaadyada ee ka hawlgala Muqdisho, wasaaradda gaadiidka, shirkadda maamusha garoonka diyaadaha Muqdisho iyo maamulka gobolka Banaadir si looga wadahadlo dhismaha wartan dhibka ku haysa hawlaha garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde.
Ugu dambeyn, Mudane Xasan Jimcaale ayaa sheegay inay wadaan dhismaha bullaacad kale oo laga higelinayo Buulo-xuubeey oo degmada Wadajir ka tirsan, isagoo xusay inay marayso meel wanaagsan.













