Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in qaraxyo caawa laga maqlay qaybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho ay ahaayeen kuwo dheemish ah.
“Waxaan ku war-galineynaa shacabka ku nool Caasimadda, in wax khasaare ah aysan geysan dhawaqa la maqlay oo ahaa ‘qaraxyo dheemish ah’ oo cadowga ummadda Soomaaliyeed uu ku qalqal-galinayo shacabka muslimiinta ah oo ku jira waqtigii afurka, goobaha qaar waxaa laga hor-tagay waxyaabihii ay dhigeen iyagoo aan qarxin,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska qaybta booliiska Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Taliska booliiska ayaa sheegay in qaraxyadan loo adeegaaday baco laga soo buuxiyay baaruud, si loo cabsi-geliyo shacabka.
Ugu dambeyn, Maqalka dhawaaqyadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo laga maqlay Caasimadda dalka tan iyo markii ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan.













