Haweenka Soomaaliyeed oo Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Taliyaha Booliska Soomaaliya: SAWIRRO

0
336

Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulib Axmed Firin, iyagoo ku bogaadiyay hawsha culus ee uu u hayo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) iyo qaar ka mid ah ururada Haweenka degmooyinka Muqdisho ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu soo dhaweenayay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasi oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, iyadoo haweenkii xafladda goobjoogga ka ahaa ayaa sheegay inay haweenka oo dhan ku garab-istaagayaan taliyaha hawlaha baaxadda leh ee uu u hayo bulshadiisa.

Dhanka kale, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in farriinta haweenku ay wadaan ay tahay mid dhiirrigelin ah uuna uga mahadcelinayo xafladda ay u sameeyeen.

Ugu dambeyn, Taliyaha Booliska Somalia ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed qaar badsn oo ka mid ah ay isla soo shaqeeyeen xilli ay aad u adag tahay xaaladda dalka, uuna ku faraxsan yahay inay maanta iyadoo xaaladdu ay intii hore ka wanaagsan tahay ay Qaranka si wadajir ah ugu shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here