Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u Qaabilsan Abaaraha oo Shir caalami ah uga Qayb-galay Dalka Sucuudiga: SAWIRRO

0
295

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qaybgalay shirka saddexaad ee madasha caalamiga ah ee gargaarka bani’aadannimada ee Riyaad (RIHF3), kaasoo ay soo qaban-qaabisay Boqortooyada Sacuudiga.

Shirka oo u jeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa wadahadallada iyo wada-xaajoodka madaxda, deeq-bixiyeyaasha iyo cilmi-baarayaasha ee ku aaddan is-dhaafsiga khibradaha iyo fikradaha la xariira horumarka arrimaha bini’aadannimada iyo gargaarka, waxaana ergeyga ku wehliyay, wasiirka caafimaadka xukuumadda eederaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadam.

Sidoo kale, Madashu waxa ay diiradda saartay doodo ku qotonta raadinta xal wax ku ool ah, si waafaqsan mabaadi’da iyo hal-beegyada bini’aadannimada ee caalamiga ah, isla-markaana la jaanqaadi kara gaaritaanka yoolalka horumarka waara.

Ergeyga oo warbixin la xariirta xaaladda bani’aadannimada Soomaaliya la wadaagay shirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in wax laga beddelo qaabka gargaarka bani’aadaannimo ee Soomaaliya, sida – in laga gudbo gurmadka degdegga ah loona jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka, si looga maarmo ku tiirsanaanta gargaarka.

Ergeyga ayaa hoggaamiyayaasha bani’aadannimada, deeq bixiyayaasha iyo madaxda madasha ku sugnaa ku boorriyay in Soomaaliya loo maalgeliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagaxisada iyo is-beddelka cimilada.

Xildhibanaan CC Warsame ayaa sidoo kale madasha ka sheegay sida loogu baahan yahay isla-xisaabtan iyo in laga jawaabo halka ay aadday 8 bilyan oo doolar oo 10-kii sano ee ugu danbaysay la sheegay in loogu gurmaday Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ergeyga ayaa dood wadaag kala qaybgalay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka UK Andrew Mitchell, wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Swedan Diana Janse iyo Madaxa guud ee hay’adda UNDP Achim Steiner.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here