Xoghaya Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Feysal Carraale Afrax ayaa maanta tababar ka furay xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir, tababarkan oo cinwaankiisu ahaa fikradaha shaqada, caqabadaha iyo fursadaha shaqaalaha bulshada ayaa waxaa ka qaybgalay oo ka faa’iideystay qaar ka mid ah dhallinyarada jaamacadaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir.
Xarunta dhallinyarada oo ah goob loogu adeego dhlinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa tababarkan ka faa’iideystay ku dhawaad 50 dhallinyaro ah. Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay dhallinyarada ayaa ku ammaanay sida ay ugu faa’iideystaan fursadaha aqooneed iyo midda xirfadeed ee xarunta dhallinyarada lagu qabto.
Tababarkan ay ka faa’iideysteen dhallin fara badan ayaa waxaa bixinayay agaasime ku-xigeenka waaxda dad-dhigista, Mudane Cabbdullaahi Maxamed Ahmed Ganood, iyada oo dhallinyarada ay ka faa’iideysteen qibraddiisa iyo waaya-aragnimadiisa.
Ugu dambeyn, Gudoomiyaha dhallinyarada maamulka Gobolka Banaadir, Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa dhallinyarada ku dhiirri-geliyay in ay ugu faa’iideeyaan bulshada inteeda kale oo aan jaaniska u helin fursadaan.

























