Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa daah-furey tababar ayay iska kaashadeen hey’ada Badbaado iyo xafiiska dhalinyarada oo maanta ay ka faa’iideysteen qaar ka mid ah dhalinyarada jaamacadaha Gobolka Benaadir,
Tababarkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Abuukaate Maxamed Xasan ahna madaxa hey’ada Badbaado, Coll. Maxamed Biikalo, Afhayeenka Police Somaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali iyo Professor Yaxye Camir.
Tababarkaan oo cinwaankiisu ahaa wacyi-galinta maandooriyaha ayaa waxaa laga eegey dhanka Cafimaadka, Waraxbarashada iyo saameynta qoyska.
Dhalinyarada qeybta ka ahaa tababarkaan ayaa wax badan ka faa’iidey, iyagoo dib ula laaban doona cilmiga ay barteen bulshada.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha CabdiKaafi ayaa dhalinyarada gudoonsiiyay shahaadada ka qeyb galka tababarka.














