Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna duqa Magaalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed( Cumar filish ) ayaa ka Qeybgalay Munaasabada Lagu Daahfurayay Dahab Tawer Oo ah Dabaq Ka Kooban 30 Biyaano
Gudoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Marka Hore Mahadcelin U jeediyaya shirkada Dahabshiil oo dhismahan Ka hirgalineeso Magaalada Muqdisho.
Maadaama dhismahan uu Yahay dhismihii ugu Horeeyay ee Caasimada laga hirgalanayo dhismahaan oo uu ku Baxayo 2 Milyan oo Doolar
Madaxda Shirkadda Dahabshiil ayaa iyagane dhankooda sheegay in Ay sii wadayaaan dhismayaashaan oo kale iyo Kuwa kale oo ka Casriyeesan si Caasiamada ay ula tartanto Caasimadaha aduunka.