Howlgallo miino baaris ah oo laga sameeyay Galmudug

0
1187

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa howlgallo miino baaris ah waxeey ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay howlgalka ay ku soo saareen miinooyin dhowr ah oo Al-shabaab ay gelisay wadooyinka, si ay ugu waxyeeleeyso dadka deegaanka.

Waxeey soo bandhigeen dhowr miino oo laga soo saaray qaar ka mid ah wadooyinka deegaanka Balacweyne ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku dagaamay deeganka Bacadweyne.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here