Duqa Muqdisho Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Degmooyinka Caasimadda+Sawiro

0
307

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir gudoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir, oo looga hadlay horumarinta Daqliga, Amniga, Nadaafada iyo Taakuleenta Barakacayaasha.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa islaxisaabtan, ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa mid mid warbixin ku saabsan soo xareenta daqliga, iyo caqabadaha jira ka dhageestay guddoomiyaasha degmooyinka, iyo agaasimayaasha Daqliga gobolka Banaadir.

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono mas’uulkii lagu helo musuq-maasuq iyo wax isdabarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here