SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dooxa kula kulmay Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Jabuuti

0
409

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa Magaalada Dooxa ee xaeunta Qatar kulammo kula yeeshay halkaas kula yeeshay Amiirka Qarar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray xiriirka labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Somalia iyo Qatar

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa uga mahad-celiyay ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab-istaagga dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here