Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS, marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa ka qayb-galay kulan loogu hadlayay dhismaha biya-mareenka garooka diyaaradaha Aadan Cadde iyo daweynta biyaha qashinka, si xal-waara loogu helo dhibaatooyinka xilli roobaadka.
Mashruucan oo qayb ka ah qorshayaasha hor-tebinta u leh maamulka gobolka Banaadir sanadkan 2024-ka ee dib-u-dhiska biya-mareennada Muqdisho iyo maareynta bullaacadaha ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka G/Banaadir, maareeyaha guud ee garoonka Aadan Cadde, qaar ka mid ah safaaradaha wadammada shisheeye iyo agaasimeyaal ka tirsan gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Madashan ayaa lagu meel-mariyay dhismaha mashruucan laga hir-gelinayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, si xal-waara loogu helo dhibaatooyinka Biya-mareennada oo xilliyada qaar sababa hakad ku yimaada dhaq-dhaqaaqa garoonka diyaaradaha iyo in bay’ada laga ilaaliyo dhibaatooyin caafimaad oo ka dhasha biyaha xilli roobaadyada.















