Madaxweynaha Somalia oo ka Qayb-galay Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika: SAWIRRO

0
424

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Qaaradda Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada-shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afrika uga mahad-celiyey wada-shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Somalia, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo koboc dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Afrika, isagoo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka dublamaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here