Hawlgal ay xalay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka sameeyeen ciidammo ka tirsan Nabadsugidda Qaranka iyo qaybta booliiska Bariga Xamar, ayaa lagu soo qabqabtay kooxo looga shakisan yahay inay falal amni-darro ka geysteen degmadaas.
Ciidamada Hawlgalka fulinayay ayaa beegsanayay guryaha looga shakiyo inay ku nool yihiin kooxaha dhibaatooyinka ka geysta degmadaas, iyagoo sidoo kalena baaritaanno ku sameynayay dadka iyo gaadiiska ay ka shakiyaan.
Intii ay hawlgalladu socdeen waxaa ciidamada kormeer ugu tagay taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, Muxyadiin Warbac oo ciidamada ku bogaadiyay sida ay ugu heellan yihiin mar walba xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Degmada Kaaraan ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ugu badan ee kooxha loo yaqaan ciyaal-weerada ay dhibaatooyinka ugu geystaan shacabka ku nool, waxaana muddooyinkii dambe socday dadaallo looga hortagayo dhibaatooyinka ay kooxahan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda ayaa degmooyinka Gobolka Banaadir ka socday habeennadii lasoo dhaafay, kaddib amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo ahaa hawlgal guri-guri ah oo laga fulinayo dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.














