Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo Hawlo Nadaafadeed ka fuliyay degmada Xamar-weyne: SAWIRRO

0
137

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa olole nadaafadeed iyo mid waddo furis ah ka sameeyay caawa waddooyinka waaweyn ee degmada Xamar-weyne qaarkood, si loo soo celiyo bilicda iyo nadaafadda.

Olalahan oo ay si wadajir ah u fulinayeen agaasimaha guud ee hawlaha guud, agaasimaha guud ee nadaafadda iyo bilic soo celinta, taliska ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar iyo maamulka degmada Xamar-weyne, ayaa waxaa loogu digay ganacsatada in ay ku ganacsadaan hareeraha waddooyinka, cidii ku xad-gudubtana lala tiigsan doonno sharciga.

Maamulka Gobolka Banaadie iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sidan oo kale hawlo nadaafadeed uga fuliyay qaar ka mid ah degmooyinka Caasimadda, iyada oo la diiday in lagu ganacsado hareeraha waddooyinka waaweyn ee Caasimadda, amarkaas oo dhaqan-galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here