Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamud Guure ayaa maanta ka qayb-galay shirkii 21-aad ee wasiirrada maaliyadda DFS, dowlad-goboleedydada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay maanta magaalada Muqdisho.
Shirkan oo muddo laba maalin ah u socday wasiirrada maaliyadda heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha, qaybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee saaxiibbada caalamka ay Soomaaliya siiyaan.
Dhanka kale, Shirkan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyn ee ka dhexeeya hay’adaha maaliyadda heer federaal, dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Gaba-gabadii shirkan waxaa laga soo saaray war-murtiyeedka hoos ku xusan:




















