Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo booqday dadkii dhaawacmay: SAWIRRO

0
355

Ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda, Mudane Ciise Guure oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa booqday dhaawacyadii dadkii ku dhaawacmay weerarkii naf-la-caarriga ahaa ee khawaarijtu ku qaaday xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo xubnihii la socday ayaa mid mid u dul-istaagay bukaannada ku jira isbitaalka, iyagoo warbixinno ka dhageysatay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaalka Ex Digfeer oo la dhigay inta badan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas, waxa ayna madaxdu u rajeyeen in si degdeg ah uu Eebbe caafimaad u siiyo, dowladduna ay la garab-taagan tahay wixii daryeel caafimaad ah.

Ugu dambeyn, shalay ayay ahay markii khawaarijtu weerar fashilmay  ku qaadeen xarunta Aqalka Dowladda Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda kaga hortageen dhibatooyin argagixasadu  la damacasnad dadka shacabka ah, iyadoo lasoo afjareen weerarka dhammaantoodana halkaa lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here