Waaxda Siyaasadda G/Banaadir oo soo dhaweyay ansixinta 13-ka Kursi ee matalaadda Aqalka Sare

0
909

Waaxda Siyaasadda gobolka Banaadir oo kulan ku yeeshay xafiiskooda ayaa ka hadlay muhiimadda ay u leedaay gobolka Banaadir nuu yeesho matalaada aqalka sare.

Agaasimaha Waxdaas Yuusuf Calasoow oo la hadlay Idaacadda Codka Caasimadda ayaa kulankooda kadib sheegay iney tahay guul u soo hoyatey Gobolka Banaadir mar haddii Aqalka sare laga siiyey Xubo metela shacabka Gobolka Banaadir.

Mr. Calasoow oo sii wata hadalkiisa ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saxiixay Qaraarkii Golaha Shacabka ee Gobolka Banaadir u ogolaaanyey iney metelaad siyaasadeed ku yeeshaan Aqalka sare, waxa kale oo uu u maahdceliyey Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dadaal dheer u galay sidii shacabka Gobolka Banaadir Aqalka sare ugu yeelan lahayeen metelaad dhab ah

Agaaasime Calasoow  ayaa xusay in kulankooda looga hadlay dardar galinta howlaha Waaxda sanadkan u qorsheysan  iyo ka qeybqaadshada hanaanka loo mari doono howlaha  Farsamo ee xulista 13 ka Xildhibaan ee  Aqalka Sare uu ku yeelanaayo Gobolka Banaadir  iyo Guud ahaan Doorashooyinka ka dhici Doono Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here